Dawlada UK oo dhalinyarada Wadankeeda ka caawinaysa inay Guryo iibsadaan.

Kumanaan Guryo ah oo loogu talagalay dhalinyarada guryaha ugu horeeya iibsanayso ayaa la dhisayaa, sida ay sheeg dowladda Britain.

Soddon meelood oo ku yaala gobolka England ayaa heli doona lacag dhan £1.2 bilyan, oo loogu talagalay mashruuca “Starter Homes Land Fund” oo lagu dhisayo guryo cusub.

Dhalinyarada guryaha iibsanaya waa inay da’dooda u dhaxaysaa 23 ilaa 40 waxayna helayaan guryo ugu yaraan ka raqiisan 20% inta ay suuqa ka joogaan.

Laaakiin, mid ka mid ah dadka ku xeel dheer guryaha ayaa BBC u sheegay in waqtiga guryaha lagu dhisayo ay tahay wax adag in lagu guulaysto.

Mashruuca Starter Homes Land Fund, ayaa markii ugu horaysay ay dowladda ku dhawaaqday sanadkii 2014, waxaana loogu talagalay inay dad badan guryaha ku iibsadaan.

Guryaha la raqiisinayo ayaa ah kuwo qiimahoodu yahay ilaa £250,000 guryaha London banaankeeda ku yaala, iyo kuwa London ku yaala ee qiimahoodu yahay £450,000.

Wasiirka guryaha Gavin Barwell ayaa sheegay: ” Dowladiisa inay ka go’an tahay inay dhisto guryo lagu caawinayo dhalinyarada inay gurigooda ugu horeeya iibsadaan.

Degmooyin cusub

Soddon xafiisyada deegaanada ayaa la doortay iyadoo la eegay sida ugu dhaqsaha badan oo ay u dhisi karaan guryaha. Deegaanadan waxaa ka mid ah Blackpool Council, Bristol City Council, Sheffield City Council iyo Luton Borough Council. Guryaha ayaa la filayaa in la iibgeeyo 2018.

Laakiin isagoo la hadlaya BBC, Christine Whitehead, oo ah Professor dhaqaalaha guryaha (housing economics) ee jaamacada London School of Economics, ayaa sheegay “in waqtiga guryaha lagu dhisayo uu aad u gaaban ayahay, ma fududa in guryo si dhaqso ah loo dhiso, sidoo kale waxaa nagu yar xirfada” ayuu yiri.

Dowladda ayaa sidoo kale balanqaaday inay dhisayso 200,000 oo guryo markii la gaaro sanadka 2020.

Tani waa hadalkii labaad ee ay dowladda soo saarto toddobaadkan si ay wax uga qabato guryo la’aanta ka jirto UK. Waxay Isniintii sheegtay inay ka dhisayso 48,000 oo guryo 14 meelood oo ku yaala gobolka England, oo u dhaxaysa Cornwall ilaa Cumbria.

Waxay sheegtay inay dhisayso saddex degmo oo cusub oo laga dhisayo Aylesbury, Taunton iyo Harlow & Gilston, oo lagu kordhinayo degmooyin oo la dhisayo.

Dowladda ayaa balanqaaday inay dhisayso 200,000 oo guryo markii la gaaro sanadka 2020.

Bishan ayay soo saari doontaa qorshaha dowladda ee ay ku dhisayso guryaha cusub.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...