Olga ayaa ku guulaysatay $5 milyan kadib markii ay ku riyootay…

Haweeney reer Canada oo ciyaartay nambaro isku mid ah ee qamaarka waddanka oo dhan laga ciyaaro ku dhawaad 30 sano ayaa ku guulaysatay CA$5.3 milyan.

Olga Beno oo degan Eastern Passage, Nova Scotia, ayaa sheegtay inay ku riyootay nambarada ay ku guulaysatay May 1989, ayna si joogta ah u isticmaashay tan iyo markaas.

Olga Beno ayaa toban sano ka hor loo sheegay inay qabto cudurka kansarka waxaana qasab ku noqotay inay iibiso gurigeeda si ay ugu isticmaasho lacagta daawo.

Hadda waxay doonaysaa inay guri cusub ku dhisato lacagteeda.

” Nambaradayda korka ayaan ka aqaanaa, waxaan nambarada ka arkay telefishinka markii la sheegay, laakiin indhaha si fiican uga jeedi waayay”, ayay soo xigteen Atlantic Lottory inay dhahday.

” Marka waan iska iloobay.”

Olga Beno oo gacanta ku haysa lacagtii ay ku guulaysatay.

Maaliintii ku xigtay, waxay aqrinaysay wargayska markii ay aragtay nambarada guulaystay mar kale

“Markii ugu horaysay waxaan is iri ma noqon karto run. Waa qalad uu wargayska sameeyay ayaan is iri. Kadib walaashay ayaan ku iri waxaan u malaynayaa inaan ku guulaystay qamaarkii. (lottery).

“Waxay dhahday telefoonka igu soo celi markaad runta ii sheegayso.”

Ms Beno ayaa ahayd qofkii labaad ee ku guulaystay CA$5.3milyan ciyaartii 28 December 2016. Qofkii labaad ee guulaystay ayaa qamaarka ka iibsaday galbeedka Canada.

Waxay sheegtay ninkeeda iyo carruurteeda iyo carruurta ay dhaleen inay ka caawiyeen inay kansarka ka badbaado, ayna doonayso inay safar ugu kaxayso Disney World.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...