Daawo: Ruushka oo Qaar kamid ah Ciidamadiisa dib ugala baxaya Siiriya (VIDEO).

Dowlada Ruushka ayaa maanta shaacisay inay dib ulla baxeyso qeyb kamid ah ciidamadii ka joogay dalka Siiriya.

Ruushka ayaa lagu wadaa inay dib ulla noqoto Maraakiibta dagaalka ee dhawaan halkaasi u dirtay oo uu ku jiro midka Diyaaradaha xambaara.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegtay in maraakiibtan ay labadii bilood ee lasoo dhaafay wadeen hawl galo badan isla markaana ku guuleysteen.

Maraakiibta dagaalka ee Ruushka u diray Siiriya ayaa bishii Oktoober ka gudbay Kanaalka Ingiriiska iyagoo kusii jeeda Bariga Dhexe.

Inkastoo ciidamada hada la sheegay in Ruushka uu kala baxayo Siiriya ay gaarayaan kun askari ayaa hadana la filayaa in Siiriya ay kusii sugnaadaan ciidamo gaaraya 6 kun oo Ruush ah, kuwaasi oo gacan siinaya ciidamada Xukuumada Bashar Al Assad.

Go’aankan uu Ruushka dib ulla noqonayo qeyb kamid ah ciidamada ka jooga Siiriya ayaa lagu beegay xili ay socdaan dadaalo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in xal loogu helo daagaalka sokeeye ee ka socda Siiriya.

Xukuumada Ruushka oo xiligan culeys dhaqaale heysto ayaa sidoo kale la filayaa inay go’aankeeda ku xakameenayso dhaqaalaha uga baxaya dagaalka Siiriya.

 

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...