Maraykanka oo aqoonsaday dadkii Ruushka ahaa ee xogta ka xaday.

Dawladda Maraykanka ayaa aqoonsatay dadkii Ruushka ahaa ee lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen xatooyadii dhanka internetka ahayd ee dhacday ka hor doorashadii uu ku guulaystay Donald Trump ee dhacday bishii Nofembar ee sanadkii hore, sida ay warbixin sheegtay.

Dadkaas oon wali magacyadooda la shaacinin ayaa lagu eedeeyay in ay macluumaad email-lo ku jira oo xisbiga Dimuqraadiga laga xaday ay la wadaageen barta siraha faafisa ee WikiLeaks si ay isugu dayaan in Trump loo codeeyo.

Ruushka ayaa diiday in uu wax lug ah ku lahaa arrintaas, Julian Assange oo ah ninka aasaasay barta WikiLeaks ayaa isna sheegay in aysan Mosko ahayn meesha uu ka helay xogtaas.

Jimcaha ayaa Trump lala wadaagi  doonaa eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogalin ku sameeyay doorashada Maraykanka arrintaas oo uu shaki kaga muujiyay qoraallo badan oo uu Twitterka ku soo qoray.

Todobaadka soo socdana waxaa warbixintaas loo soo bandhigi doonaa dadwaynaha Maraykanka.


Biden oo sheegay in Trump uu u dhaqmo sidii qof qaangaar ah

Madaxwayne ku xigeenka dalka Maraykanka Joe Biden ayaa u soo jeediyay madaxwaynaha la doortay Donald Trump in uu isbadal la yimaado wuxuuna dhaliilay weerarka uu ku hayo laamaha sirdoonka Maraykanka.

Biden ayaa sheegay in ay “caqli la’aan tahay” in madaxwaynaha la doortay uusan aaminin laamaha sirdoonka ee dalka Maraykanka.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa hadaladan u sheegay warbaahinta PBS oo uu waraysi siiyayay.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...