SAWIRRO: Mid ka mid ah Jilayaashii ugu Caansanaa Aflaanta Hindiga oo geeriyooday.

Om Puri oo ahaa Jilaa ku caan baxay Aflaanta Hindiga ayaa saaka geeriyooday kadib markii uu ku soo booday Wadna Xanuun.

Om Puri oo 66-jir ahaa ayaa si lama filaan ah u geeriyooday waxaana geeridiisa wargeyska Indian Express u xaqiijiyay filim sameeye Ashok Pandit oo ay saaxiibo ahaayeen.

“Wadno xanuun daran ayaa Om Puri saaka ku soo booday waana geeriyooday, hadda ayaana gaarnay gurigiisa oo ku yaalla xaafada Andheri ee duleedka magaalada Mumbai” ayuu yiri Ashok Pandit.

Om Puri wuxuu ahaa jilaa caalami ah oo kasoo muuqday muddo badan aflaamta Bollywoodka, isagoo xitaa wax ka jilay aflaamta Hollywoodka ah.

Jilaagaan abaal marinada darajada sare ee la siiyay waxaa ka mid ah OBE oo ay boqortooyada Ingiriiska bixiso iyo abaal marinta 4-aad ee ugu darajada sareyso ee la siiyo muwaadinka Hindiga ah Padma Shri.

Om Puri wuxuu dhashay 18-kii October 1950 wuxuuna bilaabay filim jilista sanadii 1976 isagoo ku soo caan baxay filimkii Ghashiram Kotwal, wuxuuna ka dibna wax ka jilay boqolaal aflaamta hindiga ka tirsan, waxaana filimadii ugu dambeeyey ee uu wax ka jilay ka mid ah Ghayal once again iyo qaar kale.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...