SAWIRRO: Turkiga oo soo saaray Gaari Layaab leh oo horey aan loogu arag Caalamka.

Shirkadda Letvision ee Sameeysa Gaadiidka ayaa soo saartay Gaari la yaab leh oo ah nooc aan horey Caalamka loogu arag.

Ku dhowaan 30 sano kadib ayey sheegeen Masuuliyiinta Shirkadan inay ku guuleysteen soo saarista gaarigan, marna caadi ah marna isku bedelaya Robotka Bini’aadamka loo ekeysiiyey ee Filimada qaar laga daawado.

Shirkadan oo fadhigeedu yahay Wadanka Jarmalka Balse wadamo badan Xarumo ku leh ayaa ku guulaysatay qaybteeda Ankara ee dalka Turkiga inay soo saaraan Gaarigaan

Masuuliyiinta Shirkada ayaa sheegay iney riyadeeda rumeysay maadaama ay ugu dambeyn sameysay gaarigii ay ku hamineysay mudada dheer.

Ujeedada ugu weyn shirkadan ayaa la sheegay iney aheyd sameynta gaari u istaagi kara sida noolaha oo kale, una socon kara sida gawaarida caadiga ah oo kale.

Gaarigan oo ah nooca BMW-M3 ayaa istaagaya una tababaran sida computer-ka ay nooluhu ku shaqeystaan ee Robot loo yaqaano.

Muuqaalkii ugu horreeyey ee laga soo duubay gaarigaan ayaa la arkay isagoo u soconaya sida gawaarida caadiga ah oo kale, ka dibna u istaagaya sida noolaha oo kale, weliba wuxuu dhaqdhaqaajinayaa gacmo loo sameeyey.

Arintan ayaa la sheegay iney qeyb ka tahay tiknoolajiyadda casriga ah ee uu ku tallaabsanayo adduunkan, waxaana shirkadan ay qorsheyneysaa iney ruqsad u hesho soo saarida iyo ka ganacsiga gaarigan.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...