Booliska Maraykanka oo qabtay Ninkii Florida Dadka ku laayey.

Booliska gobolka Florida ayaa su’aalo wydiiyey nin looga shakisanyahay inuu ahaa ninkii dableyda ahaa ee shanta qof ku dilay sideedda kalena ku dhaawacay madaarka Fort Lauderdale.

Eedaysanahan oo boolisku magaciisa ku sheegeen Esteban Santiago oo lix iyo labaatan jir ah, wuxu ahaan jiray askari Maraykan ah oo ka soo dagaalamay Ciraaq. Saraakiishu waxay sheegeen in aanay meesha ka saarayn in waxa falkan ninka ku dhaliyey noqon karto argagixisonimo.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in ay suurto gal tahay in ninku aanu maskax ahaan fayoobayn. Wararku waxay intaa raaciyeen in uu sheegay in dawladdu maskaxda ka haysato oo ay ku dirqido inuu daawado video-yada ay internet-ka ku baahiyaan kooxaha jihaad alooska ahi.

Eedaysanuhu wuxu ka tirsanaan jiray ilaalada xeryaha ciidanka ee Puerto Rico iyo Alaska National Guard.

Warbaahinta Maraykanku waxa kale oo ay ku warantay in shaqadii uu ka hayay xerada ciidanka ee Alaska National Guard looga eryay in uu waajibaadkiisii sidoodii uga soo bixi waayay awgeed. Hase yeeshee nin ay walaalo yihiin ayaa isna sheegay in Esteban Santiago muddoba laga dawaynayey cudurrada maskaxda.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...