Daawo Falastiin: Nin Falastiini ah oo Gaari Xamuul ah jiirsiiyey Askar Isra’iiliyiin ah magaalada Qudus – (VIDEO).

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhimatay weerar maanta ka dhacay magaalada Qudus ee dhulka la heysto ee Falastiin, weerarkan waxaa ku dhaawacmay 13 qof oo kale.

Nin reer Falastiin ah oo darawel ka ahaa gaari nooca xamuulka ah ayaa si bareer ah u jiirsiiyey raxan askarta Isra’iil ah oo ku sugnaa bartamaha magaalada Qudus, askarta dhimatay ayaa sadex kamid ah yihiin haween.

Ciidamada Isra’iil ayaa toogtay darawelkii gaariga waday, waxaana gebi ahaan la xiray xaafadaha ay degen yihiin Falastiiniyiinta ee bariga magaalada Qudus halkaasi oo uu kasoo jeeday ninka maanta weerarka geystay.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 ayey sare u kaceen weerarada ay geysanayaan dadka reer Falastiin ee lala beegsanayo Askarta Isra’iil iyo Yuhuud xooga ku degen dhulkaasi. Inta badan weeraradaasi ayaa loo adeegsanayey mindiyo iyo gaadiid.

Weeraradaasi oo ah kuwo ay iskood u fuliyeen shaqsiyaad ayaa cabsi weyn ku abuurtay yuhuuda heysata dhulkaasi.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...