Kombuyuutarrada Dawladda Faransiiska oo weerar lagu hayo.

Wasiirka gaashaan dhigga Faransiiska, ayaa sheegay in sannadkii hore afar iyo labaatan kun oo weerar oo xagga internet-ka lagaga soo qaaday kombuyuutarrada wasaaradda gaashaan dhigga la fashiliyey.

Jean-Yves le Drian ayaa sheegay in weerarrada noocan ahi sannad ba sannadka ka dambeeya ay laban laabmayeen. Waxaanu digniin ku bixiyey in shabakadda kombuyuutarrada Fransiisku khatar ku jirto, suurto gal na ay tahay in sannadkanna la qaado isku dayo lagu xagal daacinayo doorashooyinka Faransiiska ee sannadkan dhici doona.

Mudane Le Drian wuxu dusha kala socday hawl gal ballaadhan oo dib loogu habaynayo kartida internet-ka ee Faransiiska, kaas oo taliyaha ciidanka loogu dhiibayo hogaanka xarun cusub oo lagu magacaabay Cybercom.

Wuxu hadalkan sheegay mar uu waraysi siinayey wargeyska Faransiiska ah ee Le Journal du Dimanche, waxaanu ku soo beegmay maalmo uun ka dib markii sirdoonka Maraykanku xaqiijiyeen in Ruushku isku dayey inuu fara-geliyo doorashadii madaxtinimada Maraykanka ee dhacday bishii November, inkastoo eeddaa Ruushku beeniyey.

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...