Boqol ruux oo tahriibayaal Soomaali ah oo lugu qabtay dalka Sudan.

Ciidamada ammaanka dalka Sudan ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad 115 rux, dadka 101 ruux oo ka mid ah waa Soomaali, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda.

Dadkan waxaa la qabtay iyagoo doonaya inay ka gudbaan dhulka saxaraha ah ee isku xira dalalka Sudan iyo Liibiya, halka oo inta badan dadka tahriibayaasha ah ay uga gudbaan waddamada Yurub, iyagoo ka tallaabaya biyaha isku xira Afrika iyo Yurub.

Inta badan dadka Soomaalida ah ee ciidamada ammaanka Sudan ay xiran, waxaa ay da’dooda u dhaxeysa 18 jira illaa 25 jir, waxaana ku jira dadka la qabtay 34-dumar Soomaali ah iyo afar iyo toban ruux oo Itoobiyaan ah.

“Ciidamada ammaanka waxaa ay howlgal gaar ah ka sameeyeen dhulka saxaraha ah ee isku xira Liibiya iyo Sudan, waxaana lugu soo qabtay 115 ruux oo 101 ay yihiin Soomaali, waxaa ku jira 34 dumar Soomaali ah,” ayuu yiri sarkaal u hadlayay ciidamada ammaanka Sudan.

Howlgalladan ayaa la sheegay inuu sii socon doonan, kaddib markii ay kordheen dadka tahriibayaasha ah ee soo gaaraya Sudan, kuwaasoo qaarkood ku dhuumaleysanaya gudaha magaalooyinka dalkaas.

Saddexdii sanno ee ugu dambeysay tirada ugu badneyd oo Soomaali ah ayaa ka baxday dalkooda, kuwaaso tahriib ku galaya waddamada Yurub, badankooda waxaa ay maraan dalka Sudan oo ay uga gudbaan Liibaya, iyagoo marka doomo ku taga dalka Tayaaniga.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...