Janaraal Pakistani ah oo loo magacaabay isbaheysiga Wamada Islaamka ah ee Sacuudigu hogaamiyo.

Janaraal Raheel Sharif, oo ahaa taliyihii hore ee ciidanka dalka Pakistan ayaa loo magacaabay in uu hogaamiyo  isbaheysi militiri oo Sacuudi Carabiya hogaaminayso kaas oo ka kooban 39 dowladood oo kamid ah dalalka Islaamka, iyadoo u jeedka isbaheysiga ay tahay iskaashiga amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.

Go’aankan lagu magacaabay Janaraalka howl gabka ah ee  Raheel Sharif, ayaa la gaaray bishii November 2016, sida uu shalay warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka gaashaandhiga ee dalka Pakistan, Khawaja Asif.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in go’aanka lagu magacaabay Janaraalka ay wada gaareen labada dowladood.

Sida lagasoo xigtay boqortooyada Sacuudiga, isbaheysiga waxaa uu la dagaalami doonaa kooxda Daacish iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah.


Dowladaha isbaheysiga ku jira ayaa waxaa kamid ah:

Isutagga Imaaraadka Carabta,

Pakistan,

Turkiga,

Bahrain,

Bangladesh,

Tunisia, Suudaan,

Malaysia,

Masar,

Yemen iyo kuwo kale.

Iyadoo xarunta isbaheysigan militiri ay noqon doonto caasimadda boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Riyaad.


Maamuliyaasha dalka Pakistan ayaa bilowgii hore ka gows adeegay markii ay sheegeen in Sacuudiga uusan wadatashi fiican kala yeelanin yegleelida isbaheysiga, hase yeeshee sanadkii 2015 ayaa xukuumadda Islamabad ay sheegtay in ay qeyb ka noqoneyso ururkan.

Dowladda Pakistan ayaa waxaa ay ka leex leexaneysay sidii aan wax lug ah ugu yeelan laheyn xasaradda ka jira Bariga dhexe, waxayse sheegeen in ay go’aankan qaateen markii ay heleen xog dhameystirin oo ku saabsan u jeedada isbaheysiga loo askumay.


Boqortooyada Sacuudiga ayaa hadda waxaa ay hogaaminaysaa isbaheysiga la dagaalamaya falaagada dalka Yemen ee Xuuthiyiinta ah kuwaas oo inta badan dalkaas gacanta ku dhigay kadib markii laga awood roonaaday dowlada uu madaxda ka yahay hogaamiyaha dibad jooga ah ee Abdu Rabbu Mansour Hadi.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...