Daawo USA: Trump oo wiilka uu Soddoga u yahay xil u magacaabay – (VIDEO).

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa Lataliye u magacaabay Wiilka uu Soddoga u yahay oo kamid ahaa guddigiisii ololaha doorashada.

Wiilkan ayaa kasoo jeeda Qoys maalqabeen ah oo Yuhuud ah, wuxuuna kamid ahaa xubnihii sida weyn uga qeyb qaatay ololihii doorashada ee Trump.

Mr.Kushner ayaa la sheegay in arrimaha uu qaabilsan yahay ay kamid yihiin Latalinta dhanka arrimaha Bariga Dhexe iyo Heshiisyada Ganacsiga.

Xilka loo magacaabay ayaa ah Lataliyaha Madaxweynaha, waxaana horey loo filayey in xil noocaan ah loo magacaabi doono maadaama uu yahay xubnaha faro ku tiriska ah ee uu Donald Trump sida gaarka ugala tashado go’aanada uu qaato.

Balse waxaa soo baxaya guux kasoo yeeraya Xisbiga Mucaaridnimada isu diyaarinaya ee Dimuquraadiga kaasi oo ka digaya Madaxweynaha inuu jabiyo sharuucda u yaal dalkaasi Maraykanka ee madaxda dowlada ka mamnuuca inay wax xilal ah u magacaabaan xubno kamid ah qoyskooda.

Hase yeeshee xisbiga Jamhuuriga ayaa ku doodaya in sharuucdaasi ay la xariirto oo kaliya xilalka golaha Wasiirada balse Madaxweynaha u madax banaan yahay ciduu u dhiibayo xilalka ku kooban Madaxtooyada Aqalka Cad.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...