Wax ka Ogow Makhaayadaha ugu Cajiibsan Caalamka!.

Waxaa Jirta Qaabab badan oo Caalamka loo kala Ganacsado taasi waxaa sii in Qof walba uu ka helo qaab uu ku saleeyo Ganacsigiisa Halkaan waxaa idinkugusoo gudbinaynaa Makhaayadaha ugu Cajiibsan Caalamka!


1. Makhaayada Rootiga iyo Hubka waxay ku taal Beirut, Lebanon: Albaabka waxaa hor yaal jawaano Ciid laga buuxiyay oo dhufeys ah, shaqaalaha waxay ku labisan yihiin Dharka Milatariga, inta aad wax cuneyso waxaa sameecado cod dheer laguugu shidayaa Qoryo iyo madaafiic dhacaya!


2. Baar ku yaal magaalada Zhengzhou ee China waxay oggoshahay Dadka quruxda badan in ay soo galaan keliya waana bilaash wixi ay cunaan. Waxaa ugu dhegan Boor weyn: Haddii aad Qurux badan tahay soo gal ka dibna lacag la’aan ku cun waxaad rabto!


3. Makhaaxida Cusbitaalka oo ku taalay Latvia: Kabalyeeriyaasha waxay u labisan yihiin sidi Kalkaalisooyin, qofka Jaakad cad ayaa loo gelinayaa oo gacmaha ka xireysa, ka dibna cuntada uu dalbado shaqaalaha Makhaayada oo Kalkaaliso u labisan ayaa siinaya!


4. Hudheel cunto oo ku yaal Sacuudiga waxay ganaaxdaa lacag dhan 50 Dollar qofki aan dhameysan cuntada uu dalbaday. Qof kasta waxa uu ku qasban yahay in uu saxanka ka dhameeyo waxa uu dalbaday hadii kale ganaax lacageed ayaa laga rabaa.


5. Casho Cirka ah, waa Makhaayado ku yaal meelo badan oo Aduunka ah: Montreal, Dubai, Frankfurt, Paris, Malaysia, Belgium iyo kuwa kale. dadka marka ay fariistaan ka dib Wiish weyn ayaa ilaa 50 mitir kor u haynaya Miis, kuraas iyo saqaf dusha ah oo isku sameysan, Suun ayaa lagula xiraa Kursiga qof kasta, halkaa hawada sare ah ayaadna ku casheynaysaa!


6. Makhaayada Wadne Istaag: Waxay ku taal Las Vegas, USA. Dadka buuran oo miisaankoodu ka badan yahay 150 kiilo Bilaash ayay ku cunayaan.


7. Baar ku yaal France waxay ku dallacdaa todoba Dollar halki koob oo Coffee ah macaamiisha qeylada badan oo aan si hoose u hadli karin, halka ay ku dallacdo hal Dollar keliya kuwa tartiib u hadla ama u sheekeysta. Saddex Soomaali ah oo maalin gashay balaayaa ka raacday markey fariisteen ayay Fadhi ku dirir horay ka bilaabeen ileen sida caadiga ahna si hoose uma wada hadli karin!


8. Makhayad ku taal Philipines oo la yiraahdo Tacsiyabo, waxaa loogu talagalay dadka aadka u careysan. Waxaad derbiga la dhaceysaa Saxamo badan oo Dhoob ama Dhalo ka sameysan, waxay ku leeyihiin mar kasta oo aad saxamo ama maacuun badan ja-jabiso xanaaqa ayaa kaa yaraanaya!! Waxaa lagaa rabaa in aad kor u qeyliso markaad ja-jabinayso! Gidaarka aad la dhaceyso waxaa ku qoran waxyaabaha kaa xanaajiyay, waxaa ka mid ah qof aad kala harteen! Madaxweyne madax xanuun kugu riday, jeeb marnaan kugu daahday, iwm.


La soco qeybta labaad….

W/Q: Farah Cawaash.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...