Daawo: Kooxda Bosaso FC oo si weyn loogu dhaweeyey Bosaaso – (VIDEO).

Magaalada Bosaaso ayaa maanta soodhaweyn balaaran loogu sameeyey Ciyaartoyda Naadiga Bosaso FC oo kamid ah Naadiyada heerka kowaad ee ka qeyb qaadanaya Horyaalka kubada Cagta ee Puntland oo todobaadkan bilowday.


Kooxda Bosaaso FC ayaa dib uga soo noqotay magaalada Garowe, halkaasi oo Axadii laga furay Horyaalka Puntland, waxayna ciyaartoodii ugu horeysay la yeesheen kooxda Comsed FC ee magaalada Gaalkacyo oo ay uga badiyeen 2-1.

Ciyaaraha Horyaalka Puntland ayaa hada u wareegaya in lagu ciyaaro Garoonada iyo magaalooyinka saldhiga u ah 9ka Kooxood ee Horyaalkan ku loolamaya.


Waa soodhaaweyntii ugu balaarneyd oo loo sameeyo mid kamid ah kooxaha ka qeyb qaadanaya horyaalka taasi oo ay

si weyn u soo dhaweeyeen shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Waa markii ugu horeysay oo Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya iyo Puntland bilaabaan ciyaarahan, iyadoo horey

horyaalka kubada Cagta looga ciyaari jiray magaalada Muqdisho oo kaliya.


Xiriirka kubada Cagta ee Soomaaliya ayaa qorsheenaya in ciyaaraha Horyaaladada ka dhacay gobalada dalka ay aasaas

u noqdaan mustaqbalka Kooxda Xulka Qaranka Soomaaliya.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...