Daawo: Madaxweynaha Puntland oo soo Gabagabeeyay Safarkii Qandala- (Video).

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maalinimadii shalay 09 January  2017 safar Bada ah ku tegey degmada qandala ee gobolka Bari iyagoona ka amba baxay magaalada Boosooso.

Madaxweynaha waxaa safarka ku wehelinaayey gudoomiyaha gobolka Bari, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada puntland iyo saraakiisha Madaxtooyada Dawladda puntland.


Safar qaatay dhawr saacadood oo ay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisu ku sii jireen xeebta u dhexaysa Magaalada Boosaaso iyo Qandala ugu danbayn waxa ay nabad gelyo ku tageen degmada Qandala, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey maamulka degmada, saraashiisha iyo ciidamada ku sugan degmada taarikhiga ah ee Qandalla iyo shacbweyne aad u tiro badan.


Intaasi kadib Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey waxa ay kormeer luga ah ku soo mareen goobo taarikhi ah oo ay caan ku tahay degmada Qandala iyo sidoo kale dhismayaasha Dawladda oo ay sharwada yaasha Daacish u geysteen burbur mudadii koobnayd ee ay ku sugnaayeen waxaana ka mida goobahaa ay wax yeelada u geysteen cusbitaalka weyn ee degmada Qandala, dhismaha hooyada iyo dhalaanka, dugsiga hoose dhexe ee degmadaasi iyo sidoo kale Saldhiga ciidanka Booslika, waxaana dhamaantood ka muuqdey burbur aad u weyn oo ay si arxan daro ah ay ugu geysteen dhisma yaashaasi argagixisada Daacish.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhexmaray suuqa  weyn ee Degmada Qandala waxaana uu wakhti la qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan degmadaasi, isagoona ka xog waraystay baahiyahooda iyo wax yeeladii ay ugeysteen cadawgu.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa fiidnimadii waxa uu kulan is xog-waraysi ah la qaatay bulshada Degmada Qandala, waxaana ay ku soo bandhigeen kulanka ciyaar dhaqameed kala duwan oo ay caan ku tahay degmada Qandala  isla markaana  xiiso gelisey madaxweynaha iyo weftigiisa.


Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amaanay ciidamada kala Dawan ee Dawladda Puntland sida hagrasho la’aanta ah ee ay markasta ugu heelan yihiin inay shacbkooda, dhulkooda iyo Dawladoodaba ka difaacdaan cadawga, waxaana uu madaxweynuhu ku booriyey inay markasta dareen gooniya iyo fiira gaara ulahadaan sidii ay isaga cabin lahaayeen ugana cidhib tiri lahaayen argagixisada ku dhuumalaysanaysa dalkooda.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...