Dalalka ka qayb galaya Koobka Adduunka oo laga dhigay 48 Wadan.

Kooxaha ka qaybgala Koobka Adduunka ayaa laga dhigay 48 dal halkii ay horay uga ahaayeen 32 sida ay go’aamisay Xiriirka Kubadda Cagta Aduunka ee Fifa.

Isbadalkan ayaa dhaqan gali doona tartanka Koobka Adduunka ee dhici doona sanadka 2026 .

Fifa ayaa isbadalkan samaysay ka dib markii ay kulan ku yeesheen magaalada Zurich.

Tirada ciyaaraha ee Koobka Adduunka ayaa noqon donna 80 halkii ay ka ahaayeen 64.

Ballaarintan ayaa noqonaysa middii koobaad ee lagu sameeyo Koobka Adduunka tan iyo 1998-dii.


Waa maxay sababta loo ballaariyay?

Madaxwaynaha Fifa Gianni Infantino ayaa ka dambeeyay qorshahan isaga oo sheegay in loo baahan yahay in Koobka Adduunku uu noqdo “mid ay ka qayb qaataan dalal ka badan kuwa hadda dheela”.

Infantino oo ka hadlaya shir ciyaaraha looga hadlayay oo ka dhacay Dubai bishii 12aad ee sanadkii tagay ayaa sheegay in ballaarinta dalalka laga faa’iidi doono “in kubadda adduunka oo dhan ay horumarto”.

Madaxwaynaha Fifa Gianni Infantino ayaa sheegay in koobka Aduunku uu sii noqdo mid loo dhan yahay

Wuxuu sheegay in aysan jirin hannaan ka wayn in kubadda dal lagu horumariyo in uu ka qaybgalo Koobka Kubadda Adduunka.

Inkastoo uu sheegay in loo baahan yahay in hannaankan uusan noqonin “mid uu dhaqaale ka dambeeyo” haddana waxaa macquul ah in dhaqaale laga faa’iido.

Cilmi baaris ay Fifa laftirkeedu samaysay ayaa lagu qiyaasay in dhaqaalaha Fifa ka soo gala Koobka Adduunka uu gaari doono 5.29 bilyan oo gini marka dalalka ka qaybgalaya ay noqdaan 48, taas oo ka dhigan sare u kac dhaqaale oo dhan 521 milyan oo gini.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...