Natiijada Doorashada oo Si Rasmi ah Loogu dhawaaqay Maanta iyo Jawaari oo Noqday Afhayeenka Barlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku guulaystay guddoonka barlamaanka federaalka Soomaaliya, Doorashada oo aad u adag oo maanta ka dhacdey hoolka shirarka ee baarlamaanka Soomaaliya oo hadda loogu yeero Aqalka Hoose.


Guddoomiyaha Kumeel gaarka ah ee barlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku dhawaaqay natiijadii  codaynta doorashadda, wuxuuna sheegay in  259 mudane ay codeeyeen, waxayna noqotay natiijadii sidatan.

“Xildhibaan Prof Max’ed Cismaan Jawaari wuxuu helay 141 cod. xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig wuxuu helay 97 Cod, C/fitaax Max’ed Geeseey wuxuu helay 17 Cod, Xildhibaan Idir Aadan Dhatar waxay heshay 2 cod, Labo codna waa xumaadeen” sidaas waxaa yiri Cismaan Cilmi Boqorre,

Afhayeenka Baarlamaanka federaalka waxaa afarta sanno ee soo socoto waxaa noqonaya xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan jawaari oo mar kale loo doortey xilkaas.

Gabagabadii, Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Prof Jawaari iyo  Xildhibaanadii uu ka guulaystay ayaa khubadodo u jeediyay barlamaanka, iyagoo ugu hambalyeeyay guddoonka cusub xilka loo doortay, iyadoo afhayeenka cusub uu u mahadeliyay xildhibaanadda doortay iyo shir guddoonkii barlamaanka.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...