Soomaali qoxootinimo ku galay Kanada oo wasiir noqday.

Ra’iisalwasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa dalacsiiyay qaar ka mid ah wasiiradii shaqada ka soo dhalaalay isaga oo wajiyo cusubna ku soo daray golaha wasiirrada, iyadoo Ottawa ay isu diyaarinayso madaxwaynenimada Trump.

Axmed Xuseen oo ah Soomaali haysta dhalashada Kanada ayaa laga dhigay wasiirka Socdaaalka.

Horay ayuuna taariikh u xariiqay markii uu noqday Soomaaligii u horeeyay ee xildhibaan ka noqda isla dalkaasi Kanada.

Arrintanina waxay imaanaysaa maalmo ka dib markii Ilhaan Cumar loo dhaariyay in ay noqoto gabadhii u horaysay ee Soomaali ah ee xildhibaanad ka noqota dalka Maraykanka.

Isbadallada waawayn ee lagu sameeyay golaha wasiirrada waxaa ka mid ah Chrystia Freeland oo laga dhigay wasiirka arrimaha dibadda iyada laga soo wareejiyay wasiirka ganacsiga caalamiga ah.

Waa isku shaandhayntii ugu horaysay ee dhacda tan iyo markii uu xilka la wareegay ra’iisalwasaare Trudeau bishii 11 ee sanadkii 2015ka.

Isku shaandhayntanina waxay imaanaysaa iyadoo Ottawa ay isu diyaarinayso maamulka Maraykanka ee sheegay in uu wax walba ka horumarin doono danaha Maraykanka.

Madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in la dhaariyo 20ka bishan koobaad.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...