Switzerland: Gabdhaha Muslimiinta waa inay la Dabaashaan Wiilasha, ayay go’aamisay Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Bini Aadanka

Switzerland ayaa ku guulaysatay dacwad maxkamadda Yurub ee xuquuqda bini’aadanka (ECHR), oo ka doonaysa waalidiinta Muslimka inay u diraan ilmahooda casharo dabaal oo ay ka qayb qaadanayaan wiilal iyo gabdho.

Waxaa la sheegay masuuliyiinta inay ku qanceen inay muhiimada siiyaan sidii loo fulin lahaa “iskuulka manhajkiisa oo dhan” iyo sidii ay “ilamaha ugu guulaysan lahaayeen isdhexgalka” bulshada.

Maxkamada Yurub ee xuquuqda bini’aadanka ayaa aqoonsatay in xoriyada diinta faragalin lagu sameeyay.

Laakiin xaakimyada ayaa sheegay inaysan u dhigmin xadgudub.

Dacwadda waxaa maxkamadda keenay laba qof oo Turkiga u dhashay oo diiday inay gabdhahooda u diraan casharo wiilal iyo gabdho ay baranayaan.

Masuuliyiinta waxbarashada ,ayaa sheegay in dabaasha gaarka ah ay waydiisan karaan gabdhaha qaangaarka ah oo kaliya, iyadoo waqtigaas gabdhaha aysan qaangaar ahayn.

Sanadkii 2010, kadib muran waqti dheer socday waalidka ayaa lagu ganaaxay ku dhawaad €1,300 (£1,100) ” inay jabiyeen masuuliyadoodii waalidnimo”.

Maxkamadda Yurub ee xuquuqda bini’aadanka (ECHR).

Waalidka ayaa ku dooday in sida loola dhaqmay ay ka soo horjeedo qodobka sagaalaad ee Heshiiska Yurub ee Xuquuqda Bini’aadanka, taasoo ka hadlaysa xoriyada fikirka iyo diinta.

Hadal ay soo saartaymaxkamadda (EHCR) waxay sheegtay in gabdhaha aan dabaasha laga reebin ‘inay tahay faragalin lagu sameeyay xoriyadooda diinta’.

Laakiin waxay sheegtay in sharciga uu dhigato “in la ilaaliyo ardayda ajnabiga inaan laga soocin bulshada.”

Maxkamadda ayaa sheegtay Switzerland inay xor u tahay sidii ay samayn lahayd hab waxbarasho oo ” ku salaysan waxa ay u baahan tahay iyo dhaqankeeda.”

Iskuulka, ayay sheegtay inay ciyaareen kaalin wayn in bulshada ay is dhexgasho, in casharada qaar la dhaafo ayaa sabab loo heli karaa oo kaliya markii ay jirto “xaalad gaar ah.”

” Ilmaha waxa dantooda oo ah waxbarasho kaamil ah, oo u ogolaanaysa sidii ay ugu guulaysan lahaayeen isdhexgalka bulshada sida uu dhaqanka yahay, ayaa ka guulaysatay waalidka waxa ay rabaan ee ah inaan gabdhaha ka qayb qaadan casharada dabaasha ee wiilasha iyo gabdhaha” ayay sheegtay maxkamadda.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in Switzerland ay xaq u leedahay inay fuliso “manhajka iskuulka oo dhan”.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...