Wafti uu Hoggaaminayo Madaxwaynihi Xilka laga qaaday Cabdikariim Guuleed oo Gaaray Cadaado.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynihii xilka laga qaaday ee Galmudug  Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa  gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee dawlad goboleedka Galmudug.

C/kariin oo ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha degmada Cadaado ku soo dhaweeyay Madaxwayne ku xigeenkiisa  Maxamed Xaashi Cabdi, xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxwaynaha Galmudug C/kariin oo saxaafadda la hadlay ayaa ku baaqay in loo hoggaansamo amarkiisii uu ku soo rogay galmudug Xaaladda deg degaa ah, wuxuuna soo jeediyay in amniga deegaanada Galmudug laga taxadaro

wuxuu kaloo ka hadlay xaaladaha abaareed ee ka jira deegaannada Galmudug, isagoo ku baaqay in la caawiyo dadka ay abaartu saamaysay.

54 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug  ayaa kulan ay ku yeeshee magaalada Cadaado waxay kalsoonidii kala laabtay madaxweynooda Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxayna meel mariyeen in madaxweynaha xilka laga qaado..

Go’aankaasi waxaa si weyn uga horyimid Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed, wuxuuna ku soo rogay degaamada galmudug xaalad deg deg ah muddo 90 maalmood ah.

Gabagabadii, xilka qaadista Cabdikariim guuleed waxaa sidoo kale ka hor yimid madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo la saftay Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ay xulufo dhow yihiin.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...