Daawo: Furitaanka Tareenka isku xiraya Jabuuti iyo Itoobiya – (VIDEO).

Waxaa si rasmi ah xariga looga jaray Khadka Tareenka ee isku xiraya Jabuuti iyo caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, mashruucan ayaa waxaa ku baxay in ka badan 4 bilyan oo dollar.

In kabada 70% dhaqaalaha ku baxay mashruucan ayaa waxaa bixiyey Bangiyada Maalgashiga ee dalka Shiinaha, halka dhaqaalaha intiisa kale ay bixisay Dowlada Itoobiya oo dooneysa inay ka faa´iideysato dekada Jabuuti.

Khadkan tareenka ee isku xiraya labada dal oo dherarkiisa ka badan yahay 600 km ayaa ah mid kamid ah mashaariicda ugu waaweyn ee gobalka laga hirgeliyey.

Dowlada Jabuuti ayaa dadaal xoog leh u gashay in ay gacanta ku dhigto Suuqa Ganacsiga ee Itoobiya dhinaca wax soo dajinta iyo Dhoofinta maadaama Itoobiya aysan heysan wax bad ah. Dekkada Jabuuti ayaa loolan xoogan kula jirtay dekaddaha Soomaalida sida dekada Berbera ee Somaliland iyo Kenya oo ay horey Itoobiya u isticmaali jirtay.

Mashruucan ayaa la dhameystiray xili ay weli doodi ka taagan tahay mashruuc kale oo lagu doonayey in lagu balaariyo marsadda Berbera oo ay xukuumada Itoobiya gadaal ka riixeysay, walow hada ay soo baxeyso su´aalo la xariira in dalka Imaaraadka uu ka dhabeyn doono balaarinta dekaddaasi.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...