Daawo USA: Trump oo beeniyey in Ruushka ay isaga SIR ka hayaan – (VIDEO).

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa qabtay markii ugu horeysay tan iyo doorashadii dalkaasi shir jaraa´iid, waxaana warsaxaafadeedkan lagu soo beegay saacado kadib markii qaar kamid ah saxaafada ay shaaciyeen xog ku aadan xiriirka ka dhaxeeya Trump iyo Ruushka.

Donald Trump ayaa caradiisa kula dhacay warbaahinta CNN iyo Buzzfeed oo shaaciyey xog sheegaysa in Ruushka uu sir badan ka hayo Donald Trump taasina keentay inuu u debecsanaado wadankaasi ay cadaawada ka dhaxeyso Maraykanka.

Trump ayaa tan iyo doorashadii dalkaasi ka dhacday diidayey xogta uu ka helayo Sirdoonka Maraykanka oo sheegaysa in Ruushka uu jabsaday computerada xisbiyada dalkaasi isla markaana saameyn ku yeesheen natiijadii doorashadii uu isagu ku guuleystay.


Hase yeeshee Donald Trump ayaa xogta sirdoonka Maraykana iyo waliba xogta ay shaaciyeen Saxaafada ku tilmaamay warar been abuur ah oo aan wax sal iyo raad ah lahayn, wallow uusan Trump wax cadeyn ah uusan soo bandhigin.

Dhinaca kale Donald Trump oo cadaadis xoog leh kala kulmaya sharci yaqaanada ayaa iska difaacay talada loo soo jeediyey oo ah inuu faraha kala baxo shirkadihiisa ganacsiga mar hadii xilka Madaxweynaha loo doortay, isagoona sheegay in Shirkadihiisa ganacsiga uu ku wareejin doono Labadiisa wiil, balse uu shirkadahaasi dib ulla wareegi doono markuu xilka ka dego, arrintaasi oo weli la iska weydiinayo su´aalo badan.


Sharci yaqaanada Maraykanka ayaa sheegaya in Mas´uuliyiinta sare ee dowlada ay sharciyan khasab tahay inay faraha kala baxaan ganacsiga ay ku jireen si aysan isaga hor imaan ama xiriir u yeelan ganacsigooda iyo xilka ay hayaan, taasi oo looga gaashaamanayo musuq maasuqa iyo in ay lacag ka sameeyaan xafiiska dowlada.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...