Dagaal Beeleed dib uga qarxay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud..

Iyadoo Shalay uu Dagaal beeleed uu ka qarxay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Xildhibaan Bile Salaad Diini oo ka tirsan Mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxuu sheegay in Maamul la’aan ka jirta Degmada Caabudwaaq awgeed uu u soo laab laabtay Dagaalkaasi.

Mudane Bile oo la hadlayay  warbaahinta  ayaa waxuu sheegay in Maamulka Galmudug uusan xil iska saarin colaadan ka taagan Magaalada Caabudwaaq ee bartamaha Dalka Soomaaliya.

Dagaalkan ka dhacay Magaalada Caabudwaaq ayaa sida la sheegay waxuu salka ku hayaa anooyin qabiil oo ku aadan Nin halkaasi Shalay lagu Dilay.

Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa inta badan waxaa ka dhaca Dagaal Beeleedyo geysta khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...