Madaxweynaha Puntland oo Hambalyo u Diray Guddoomiyaha Barlamaanka ee La doortay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu hambalyeeyay guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka oo  mar kale ay xildhibaanadu u doorteen xilkaasi muddo afar sanno

Madaxweynaha ayaa khudbadiisii sanadlaha ahayd ee uu ka jeediyay madaxtooyadda Puntland ee Bosaso waxaa uu kaga hadlay doorashadii  guddoonka Barlamaanka Soomaaliya, taasi oo uu ku soo baxay Maxamed Cismaan jawaari oo mar kale loo doortay xilkaasi.

”annagoo ka faa’iidaysanay fursadan, waxaan halkan hambalyo uga dirayaa guddoomiyaha cusub ee barlamaanka 10naad Soomaaliya oo maanta la doortay Maxamed sheekh cismaan Jawaari oo ku guulaystay cod aqblabiyad ah oo 142, hambalyo ayaan leeyahay guddoomiyaha Cusub ee gollaha shacabka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinac kale, Madaxweynaha Puntland wuxuu hambalyo u diray Axmed Xuseen Dirir oo Ra’isul wasaaraha dalka Canada u magacaabay  Wasiirka Socdaalka iyo qaxootiga  iyo jinsiyadaha ee dalkaasi Cannada, wuxuuna tilmaamay in magacaabistiisu u tahay  sharaf u soo korortay ummada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, ayna muujinayso karti iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed.

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...