Madaxweynaha Puntland oo Khudbad Toos ah U Jeediyay Dadweynaha Reer Puntland.

Maaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad toos oo uu kaga hadlayo waxqabadkii dowladda ee saddexdii sanno ee uu hayay xilka madaxtinimada dowladda Puntland ka jeediyay xarunta madaxtooyadda Puntland ee Bosaso

Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa oo toos looga daawanayo telefishanada Soomaalida, wuxuu xooga ku saaray arrimaha la xiriira xaaladda ammaanka Puntland, siyaasadda, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Dhowrista Degaanka iyo arrimo badan oo la xiriira arrimaha bulshadda oo uu sheegay in xukuumadiisu wax ka qabatay.

wuxuu sheegay in mudadii uu xilka hayay ay xukuumadiisu dagaal adag la gashay kooxo argagixiso ah oo puntland ku soo duulay, kuwasoo uu sheegay in laga adkaaday, dalkana laga saaray.

wuxuu kaloo uu ka hadlay dhismaha iyo ballaarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday dhismaha Garoonka diyaaradaha Bosaso iyo garoonka Garoowe oo hadda meel gabogabo maraya, waxaa kaloo uu xusay  in dowladu hirgalisay dhismayaasha wadooyin  iyo buundooyin muhiim oo ku yaal magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo degaamadda kale ee laamigu ka fogyahay.

Gabagabadii, Khudbada Madaxweynaha oo sanadkiiba uu mar uu jeediyo waxaa kaloo uu kaga hadlay siyaasadda, xiriirka Puntland la leedahay dalalka caalamka iyo safaradii uu ku tegay dalka dibadiisa, iyadoo halkudhiga sanadkan 2017ka laga dhigay KAB KAABAYAASHA DHAQAALAHA AANU KABANEE.

Khudbada Madaxweynaha oo dhamaystiran dhowaan ayaanu idiin soo gudbin doonaa ayadoo Live aad u Daawan doontaan.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...