Natiijadda Rasmiga ee Doorashada Guddoomiye Kuxigeenadda 1aad iyo 2aad.

Guddiga doorashada ee guddoonka Barlamaanka Federaalka oo soo gabagabeeyay  tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada ayaa ku dhawaaqay Natajiidadii doorashadii guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo Labaad.


Natiijada  Wareegii Labaad  ee  doorashada Gudoomiye Ku xigeenka Kowaad waxaa ku guulaystay  xildhibaan C/wali Sh Ibraahim Muudey oo helay 164  iyo halka xildhibaan Faarax Sh C/qaadir uu isna helay   94  oo cod oo kaliya.


Kursiga Guddoomiye Kuxigeenka Labaad oo ay ku tartamayeen Mahad Cabdalle Cawad oo horey jagadaasi u haya iyo xildhibaan Cabdiqaadir Baqdaadi ayaa natiijadii waxay noqotay in  Mahad Cabdala Cawad uu helay  171 cod,  Cabdulqaadir Cali Baqdaadi oo la tartamayayna wuxuu  helay 88  cod, iyadoo natiijadu noqotay in Xildhibaan Cawad uu mar kale noqday Guddoomiyaha 1aad ee Barlamaanka Soomaaliya.

Waxaa hadda dhamaystirmay doorashadii guddoonka Barlamaanka federaalka oo shalay guddoomiye loo doortay Maxamed Cismaan Jawaari, halka labadiisii guddoomiye k/xigeen maanta la doortay.


Gabagabadii, Guddoonka Cusub ee Barlamaanka Soomaaliya, waxaa looga fadhiyaa in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqaan xiliga la qabanayo doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa kaloo maalmaha soo socda la qaban doonaa doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya.

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...