Aktarka Hindiga ah ee Sunil Shetty (Balwaan) oo sheegay inuu booqanayo Soomaaliya.

Jilaaga reer Hindiya ee Sunil Shetty oo ay Soomaalida ugu yeeran Balwaan ayaa sheegay inuu ku fikirayo mar un inuu tago Soomaaliya, waa mid ka mid ah aktarada ugu caansan ninkan dalka Hindiya.

Sunil Shetty, wuxuu ogyahay inay jiraan dad badan oo Sooomaali ah oo isaga taageerra ,kuwaaso oo u sheegay qaarkood meelo ka mid ah caalamka inuu kula kulmay, waliba wuxuu ogsoon-yahay dadka Soomaalida inay u yaqaanan magaca Balwaan.

“Ereyga Balwaan waa awood, iyagana awoodaas yay aaminsan-yihiin inan leeyahay,”ayuu yiri Sunil oo wareysi siinayay idaacadda BBC-da.

Wuxuu u hadlay, Sunil sida qof Soomaalida si wanagsan u garanaya, isagoo marka ku ammaanay inay-yihiin dad wanagsan oo farxad badan, marka wuxuu caddeeyay mustaqbalka inuu tagi doono Soomaaliya.

“Kaliya Aniga kuma fikiro Soomaaliya inan tago aktaro badan oo caan ah ayaa jacel Soomaaliya, waan tagaya mustaqbalka,”ayuu ku darey hadalkiisa.

Siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaalida ayuu u sheegay in looga baahan-yahay inay ka shaqeeyaan sidii heer wanagsan oo waxbarasho ay u gaari lahaayeen carruurta oo u markaas ku tilmaamay mustaqbalka kuwa wax ka badalaya Soomaaliya.

Sunil Shetty, wuxuu soo jilay filimaan badan oo laga jacel-yahay gudaha Soomaaliya, dalka wuxuu ka mid yahay waddamada sida weyn looga xiseeyo aflaanta Hindiga ah.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...