Dawlada UK oo Dalal badan Lacag si toos ah dadka saboolka u siinaysa.

Wasiirada ayaa lagu dhiiri galiyay inay balaariyaan barnaamij ay lacag ku siiso UK dadka saboolka ee ku nool waddamada soo koraya.

Guddiga Independent Commission for Aid Impact (ICAI), ayaa sheegay in lacagta sida tooska ah loogu diro dadka inay tahay “hab la xaqiijiyay” oo lagu caawiyo dadka adduunka ugu saboolsan. “

Guddiga ayaa ku taliyay in la sii balaariyo barnaamijka “cash-transfer” ee £200 milyan ah oo dadka saboolka adduunka lagu siiyo lacagta.

Wasaarada horumarinta caalamiga ee UK (DFID) ayaa sheegtay lacagta la siiyo dadka ” ay canshuurta dadka oo wax badan taraysa.”

Warbixinta ay soo saartay ICAI ayaa sheegtay inay jirto caday adag in hadii lacag yar la siiyo reeraha uu ka caawinayo inay ku iibsadaan cuntada daruuriga iyo waxyaalaha kale ee ay u baahan yihiin waxayna dadka ku dhiirigalinaysaa inay lacag kaydsadaan.

Waxay kaloo intaas ku dartay inaan loo hayn cadayn in lacagta lagu qarashgareeyo qamro ama qamaar.

Wasaarada Horumarinta Caalamiga ee (DfID) ayaa ku bixisa lacag dhan £201 milyan sanadkii barnaamijka magaciisa la dhaho “cash transfers” oo lacag lagu siinayo dadka ugu saboolsan adduunka. Laakiin wargaysyada UK ayaa qoray dhaleecayn in lacagta oo ah canshuur laga soo aruuriyay dadka reer UK la xado.

Wargayska Daily Mail ayaa dhawaan qoray in barnaamijyada “cash-transfer” ee lagu maalgaliyo canshuurka ay bixiyeen dadka reer UK la xado. “being stolen and embezzled”.

Xildhibaanka xisbiga Conservative-ka, Nigel Evans, ayaa u sheegay wargayska inay Uk dhoofinayso lacagta la siiyo dadka shaqo la’aanta ah ee UK.

Laakiin gudoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Horumarinta Caalamiga Stephen Twigg ayaa sheegay in “warbixinta ay cadaysay in barnaamijka lacagta dadka lagu siiyo ee (cash transfers) uu yahay hab fiican ee horumarinta.”

Dumarka uurka leh iyo hooyooyinka haysta carruurta ka yar labada sano ayaa ka faa’iidaysan kara barnaamijka lacagta lagu bixiyo ee dalka Nigeria

ICAI ayaa xaqiijisay in barnaamijyada qaar ay la kulmeen dhibaato bilawgii.

Tusaale ahaan Nigeria, shaqaalaha barnaamijka ka shaqeeya oo lacagta siiya dumarka uurka leh ee saboolka ah ayaa bilaabay inay ku sameeyaan baaritaan dumarka inay uur leeyihiin iyo in kale kadib markii dumarka qaar oo aan uur lahayn ay ku soo biireen barnaamijka.

Guddiga ayaa sheegay in DfID “ay iskudaydo inay balaariso barnaamijka ay dadka lacagta ku siinayso” meelaha ay ka jiraan cadayn inay taageero ka helayaan dowladdaha waddamada la taageerayo.

Wasaarada ayaa beegsanaysa lix milyan oo qof sanadkii inay barnaamijyada ku caawiso, oo ay ku jiraan barnnaamijyo lala beegsanayo dumar uur leh iyo hooyooyinka dhawaan dhalay ee Nigeria, dadka waayeelka ee Uganda iyo waalidiinta Pakistan ee la siiyo lacag haddii carruurtooda ay aadaan iskuulka.


‘Ka saarida dadka dhexda ku jira’

Madaxa Oxfam ee UK ee dhinaca siyaasadda, Tim Livesey, ayaa sheegay warbixinta inay xaqiijisay wax ay ogaayeen dad badan oo ka shaqeeya horumarinta, in lacag la siiyo dadka ay ahaan karto ” waxa ugu fiican, ugu dhaqsaha badan, ugu ammaan badan ee dadka lagu caawiyo.”

Afhayeenka DfID ayaa sheegay : ” barnaamijka ‘Cash transfers’ ayaa gargaarka gaarsiisa dadka u baahan, markay u baahan yihiin, wuxuuna wax badan ku qabtaa lacagta canshuurta ee dadka reer Uk ay bixiyeen”, warbixinta madaxa banaana way aqoonsatay.

“lacagta yar ee dadka la siiyo ayaa samaynaysa isbadal wayn u samaynaysa inuu helo cunto iyo inuusan helin reerka ku nool in ka yar laba dollar maalintii. Dadka ayay awood siisaa inay go’aan ka gaaraan waxa ay u baahan yihiin, waxayna meesha ka saartaa dadka dhexda ku jira, waxayna yaraysaa qarashka.” ayuu sheegay afhayeenka.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...