DHAGEYSO: Cadaado oo Madaxweyne Cusub lagu soo dooranayo + Xiisad.

Wararka aynu ka heleyno magaalada cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in haatan uu socdo qorshe ay wadaan xildhibaanadii dhawaan kalsoonida kala laabtay C/kariin Xuseen Guuleed ,Waxaa shaley Cadaado lagu dhawaaqay guddi ka shaqeynaya qaban qaabada Doorashada madaxweyne ay yeelaneyso Galmudug.

Xildhibaan C/qani aadan Gargaar oo kamid ah Xubnaha guddiga wado qaban qaabada ayaa sheegay in Gudigooda ay ka shaqeynayaan sida ugu dhaqsiyaha badan ee loo soo dooran karo madaxweyne cusub oo ay Galmudug yeelato madaama C/kariin Guulleed ay kalsoonida kala noqdeen.

Xildhibaan Gargaar ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in maalmaha soo socda ay waxyaabo badan doonayan in hirgeliyaan tusaale isaga oo u soo qaatay in wada tashiyo badan ay la sameynayaan beelaha ku bahoobay Galmudug.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Guddigooda ay ka shaqeynayaan sida ay u qaban qaabi lahaayeen doorasho logu diyaar garoobayo Madaxweyne cusub oo Galmudug ay yeelaneyso.

Dhinaca kale waxa Magaalada Cadaado laga dareemayaa Xiisad ku aadan Xil ka qaadista Guulleed, Maadaama uu Guulleed ka biya diiday Xilka qaadista lagu sameeyey, Halka Xildhibaanadii Xilka ka qaadeyna ay ku adkeysanayaan Go’aankooda.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...