Gaas, Axmed Madoobe, CCC Sharmarke iyo Jawaari ma taageersan yihiin Inqilaabka Damuljadiid ee Galmudug?. (Video).

Qoraal kasoo baxay xafiisa warfaafinta ee Villa Soomaliya ayaa lagu sheegay in Madaxda Madasha Qaran ay xiriir khadka telefoonka ah oo ay yeesheen ku go’aansadeen inay ka soo horjeestaan go’aankii xildhibaanada Galmudug xilka uga qaadeen Cabdikariim Guuleed Madaxweynihii KMG ahaa ee maamulka Galmudug.


Xilka qaadista Guuleed ayaan ahayn mid kadis ah waxaana jiray cabashooyin badan oo ka imaanayey bulshada Galmudug ee ku aadan waxqabad la’aanta Xukuumada Cabdikariim Guuleed oo saldhig ka dhigatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.


Labo goor oo hore ayaa laga horjoogsaday Xildhibaanada Galmudug inay mooshin ka keenaan hogaamiye Cabdikariim Guuleed, waxaana dhacday in Kalfadhigii ugu danbeeyey ee Baarlamaanka Galmudug si degdeg ah lagu xiro iyadoo laga cabsi qabay mooshinka ay keeneen qaar kamid ah xildhibaanada ku sugan Cadaado.


Baarlamaanka Galmudug oo qorshuhu ahaa inuu yeesho laba kalfadhi ayaan yeelan Kalfadhigoodii ugu danbeeyey oo la sheegay in dib loo dhigay, arrintaasi oo ay xildhibaanada Galmudug ku tilmaameen mid sharci daro ah oo ka hor imaaneysa Dastuurka Galmudug.


Ugu danbeyn kulankii xilka looga qaaday Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa codkooda ku taageeray Xildhibaano gaaraya 54 oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89 kursi, codkaasi oo ah mid aqlabiyad ah.


Cabdikariim Guuleed oo Marki awooda laga xayuubiyey ku sugnaa Muqdisho ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo inay sharci daro tahay in xilka laga qaado, wuxuuna xukun deg deg ah kusoo rogay muddo 90 maalmood ah magaalada Cadaado, arrintan oo loo arko inay tahay inqilaab militari oo uu xukunka ku adkeesanayo.

Guuleed oo Maalin kahor gaaray Cadaado ayaa sheegay in dalka ay Abaar ku jirto isla markaana xil ka qaadistiisa ku tilmaamay mid lagu burburinayo Jirintaanka Galmudug waa siduu hadalka u dhigayee. Waxaa sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa NISA iyo Galmudug la dul dhigay goobaha ay degen yihiin Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan magaalada Cadaado.


Madasha Qaran:

Hadaba waxaa su’aalo badan la iska weydiinayaa qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya ee lagu saxiixay Madasha Qaran in ay sharciyan awood uleeyihiin inay faraha la galaan arrimaha Baarlamaanka Galmudug, xili Madasha Qaran wakhtigeedu ku ekaa markii la dhaariyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?.

Qoraalka Villa Soomaaliya ayaa u eg mid lagu garab siinayo Cabdikariim Guuleed oo isagu awooda Galmudug ku hantay taageeradii uu ka helay Xisbi Xaakimka Damuljadiid oo si weyn u musuq maasuqay Doorashadii Galmudug ka dhacday.


Madasha Qaran marnaba ma faro gelin karto Baarlamaanada Dowlad Gobaleedyada sida uu qorayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in maamul gobaleedyada u madax banaanyihiin arrimahooda u gaarka ah.


Saxaafada ayaa looga fadhiyaa inay su’aashan weydiiyaan Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, Raysalwasaaraha xilka ka dhamaaday Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cabdullahi Cosoble inay ku taageersan yihiin qoraalkan kasoo baxay Villa Soomaaliya iyo in kale.


Hadii hogaamiyayaashan qirtaan inay Qoraalkan wax ka saxiixeen, waxaa loo qaadan karaa inay fiirantan sidoo kale ku socoto Baarlamaanada Puntland, Juballand, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.


Axmed Shire.
Cadaado, Galmudug

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...