Madasha oo Ka Hortmid Go’aankii Barlamaanka Galmudug ay Xilka Kaga Tuureen Cabdikariim Guuleed.

Warsaxafadeed ka soo Baxay Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulan  Hoggaanka madasha qaran ay khadka telefoonka ah ku yeesheen 11-12 January 2017-da ay ka soo horjeesteen, islamarkaana ay sharci darro ku tilmaameen go’aankii barlamaanka galmudug ay xilkii kaga qaadeen madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed.


Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay in Kulankan uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble.


Shirkan ayey madaxda Madashu kaga wada hadleen dhawaqii ka soo yeeray xubno ka mid ah Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

“Madashu iyadoo qiimaynaysa marxaladda uu dalku maanta ku sugan yahay ee dhinaca abaaraha baahsan ee dalka guud ahaan ka jira iyo marxaladda kala guurka ah ee la xiriirta doorashooyinka dalka ka socda, sidoo kalena ahmiyad gaar ah siinaysa xasiloonida guud ee dalka ayey ka digtay talaabo kasta oo dalka guud ahaan ama gaar ahaan maamul gobolleedyada u horseedi karta xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amniba” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka

Madasha ayaa sheegtay inaan xiligaan la aqbali karin talaabo sharcidarro iyo fowdo huwan oo qalaalaase siyaasadeed ka abuuraya dowlad Gobolleedka Galmudug, waxayna Madashu ku baaqday in la ilaaliyo lana dhawro Dastuurka iyo Habraaca Baarlamaanka Galmudug.

Gabagabadii, Warsaxafadeedka  waxaa lagu xusay in hoggaamiyayaasha madashu ay ku baaqeen in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Nabad diidka ah.


Arrintu siday Doonto ha ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh ayaa ka horyimid go’aankii barlamaanka Galmudug, isagoo la saftay Madaweynihii xilka laga qaaday ee C/kariim Xuseen Guuleed, wuxuuna ku tilmaamay go’aankaasi mid aan la aqbali karin. Balse Su’aasha iswaydiinta Mudan ayaa ah Gaas Goormee ayuu ku biiray Damul-Jadiid.?


Shacabka Puntland Online

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...