Madaxwayne Faroole oo ololahiisa garsiinaya magaalada Muqdisho.

Musharraxa xilka madaxweynaha Soomaaliya, Cabrixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa lugu wadaa toddobadka dambe inuu ol olihiisa doorashada gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Faroole ayaa tagi doona magaalada Muqdisho markii ugu horrreysay tan iyo markii uu ku dhawaaqay inuu u sharraxan-yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu hadda ku sugan-yahay, Faroole magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, halka waxaa la sheegay inuu ku qaadanayo kulamo qayb ka ah ol olihiisa doorashada.

Cabdirixmaan oo markii ugu horreysay xilkan isku soo sharaxaya, wuxuu Garoowe ka sheegay toddobadyo ka hor inuu rajo ka gabo guul uu ka gaarayo doorashada madaxweynaha ee dalka ka dhacaysa.

Wuxuu sheegay waayo aragnimo inuu u leeyahay siyaasadda Soomaaliya oo waqti dheer uu ku soo jiray, maadama ku dhawaad shan sanno uu ahaa madaxweynaha Puntland oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Faderaalka ah.

Laakin doorashada sanadkan ka dhacaysa Muqdisho, waxaa ka qayb-galaya musharrixiin badan oo siyaasadda dalka ku soo jiray, waxaana muuqata inaysan sahal noqon karin guul fudud oo doorashada laga gaaro.

Baarlamaanka cusub ee Faderaalka oo shalay soo gabagabeeyay doorashada guddoonka ayaa la filaya waqti dhow inay shaaciyaan xilliga la qabanayo doorashada madaxweynaha.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...