Madaxweynaha Sudan oo Wadnaha laga qalay.

Madaxweynaha Sudan, Cumar Al-Bashiir, ayaa wadnaha lagaga qalay cusbitaalka wayn ee caasimadda Khartoum.

Hadal kooban oo wakaaladda wararka SUNA baahisay ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo 73 jir ah loo sameeyey qalliin fudud oo xidid kuwa wadnaha ah xinjir lagaga saarayey fiidnimadii Arabacada, qalliin kaas oo lagu sheegay mid fudud oo lagu daweeyo xididada wadnaha ee xirma.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in isla markiiba madaxweynuhu waajibaadkiisii shaqo ku noqday markii qalliinka loo sameeyey.

Sarkaal dowladda ka tirsan oo ay wakaaladda wararka Reuters la hadashay ayaa sheegay in qalliinku ahaa mid fudud waxaanu intaa ku daray “madaxweynuhu islamarkiiba wuu ka baxay cusbitaalka”.

Cumar Al-Bashir waa 73 jir xukunkana wuxu ku qabsaday af-gembi 1989 kii

Bashir wuxu xukunka ku qabsaday af-gembi sannadkii 1989, ilaa haatanna sidii buu hogaanka u hayaa. Waxa lagu eedeeyaa inuu cabudhiyo mucaaradka iyo warbaahinta arrintaas oo mudaharaaddo aan sidaa u waynayni ka dhasheen sannadihii u dambeeyay.

Al-Bashir waxa sidoo kale maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ay ku eedaysay falal xasuusqa ah, dambiyo dagaal iyo kuwo laga galay aadamenimada, eedahaas oo dhamaantood uu wada beeniyey isaguna.

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...