Safiirka cusub ee dowladda Britain oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Markii ugu horreeysay waxaa soo gaaray caasimadda Muqdisho, safiirka cusub ee dowladda Britain ay usoo magacowday Soomaaliya.

Danjiraha cusub oo lugu magacaabo, David William Concar wuxuu dhawaan ka shaqo billaabaya safaaradda Britain ee ku taalla magaalada Muqdisho, isagoona badalaya safiirkii hore haweeneyda ahayd Harriet Matthew oo la sheegay inay u wareegayso howlo kale oo diblomaasiyadeed.

David Concar

David Concar , wuxuu warbixin ka dhageystay shaqaalaha safaaradda oo ku dhex-taalla xarunta ammaankeeda aadka loo suge ee Xalane, waxaana ay warbixin ka siiyeen shaqaalaha hormarka uu sameynayo dalka oo wajahaya doorashada madaxweynaha oo la filayo in la qabto bartamaha ama dhamaadka bishan Janaayo.

‘”Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa xili doorasho, mudnaanta koowaad waxaan siin doonnaa in aan hubino sii socoshada taageerada iyo wada shaqeynta Britian la leedahayo Soomaaliya si loogu guuleysto hormarada la sameynayo’’ ayuu yiri safiirka cusub.

Ugu dambeyntii, safiirka cusub ee dhawaan u soo magacaawday Soomaaliya David Concar ayaa noqonaya danjirihii saddexaad ee UK tan iyo markii dib loo furay safaarada Britain sanadkii 2013 -ka.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...