Suuriya oo Israa’iil ku eedeysay Duqeymo Dalkaas ka dhacay.

Dowladda Suuriya ayaa Israa’iil ku eedeysay duqeyn loo geystay dhanka galbeed ee Dimishiq, waxaana la eegtay xarun ciidan, sida wararka ay sheegayaan.

Telefishinka dowladda ayaa laga soo xigtay ciidamada oo dhahaya dhowr madfac ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha.

Weli ma cadda in duqeyntaas la sheegay ay sababtay dhimasho ama dhaawac.

Dowladda Israa’iil oo horey loo eedeeyay, marna maysan xaqiijin inay duqeyn ka geysato dalka Suuriya.

Waxaa loo maleynayaa in Israa’iil horey ay u duqeysay shixnado hub ah oo loo waday ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Duqeymahaasi badankooda waxay dheceen wixii ka dambeeyay 2011-kii, ka dib markuu dagaalka sokeeye ka bilowday Suuriya.

Xisbullah, oo dagaal kula jirto Israa’iil, ayaa kumannaan dagaal yahan u dirtay Dalka Suuriya, si ay u caawiyaan madaxweyne Bishaar Al-Asad.

Hadaba, Wakaaladda wararka ee dowladda Suuriya SANA, waxay sheegtay in Mezzeh ay ka dheceen qaraxyo waaweyn. Gawaarida gurmadka degdegga ahna meesha ayey u degdegeen.

Tuulada Mezzeh waxay ku taallaa dhanka Galbeed ee caasimadda

Militariga Suuriya waxay u digeen Israa’iil oo ay u sheegeen in “weerarka qasadka ah uu reebidoono raad”, Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Bishii December, ciidamada dalka Suuriya waxay sheegeen in diyaaradaha Israa’iil ay duqeeyeen isla garoonkaasi ciidamada.

Xilligaas waxay ku warrameen inuu dab ka kacay dhammaan eelaboorka, balse cidna wax kuma noqon.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...