XOG RASMI AH: Maxaad Ka og tahay Lacagtii ay kusoo baxeen Jawaari, Muudeey & Cawad, Yaase bixiyey, Waasa Meeqa?.

Warsidaha ShacabkaPuntland.com ayaa baaris ku samaysay lacagtii uu bixiyey Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari, Abdiweli Sh Ibraahim Muudeey & Mahad Cabdalla Cawad taas oo keentay in ay noqdaan Guddoonka cuusb ee baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, iyagoo ay cod aqlabiyad ah ku taageeren Mudanayaasha baarlamaanku maalmaha 11-kii iyo 12-kii January 2017.


Ilo ku dhaw dhaw Jawaari, Muudeey iyo Cawad ayaa sheegay in Xildhibaano gaaraya 157 qaaateen lacag fara badan, gaar ahaana aduun gaaraya in ka badan $1.3 Malyan dollar.


Heerka Musuqmaasuqa ayaa siyaadayey saacadihii ugu dambeeyey, waxaana la rumeysan yahay in ay lacagtan qeyb ka ahayd aduun gaaraya $22 Malyan oo uu gudoonsiiyey Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake sadexdan masuul xiliyo kala duwan, isaggoo dagaal adag kula jira Madaxweynaha dawladda Faderaalk iyo Xertiisa.


22-ka Malyan ayaa qeyb ka ahayd aduun gaaraya $85 Malyan oo ay dawladda Imaaraatka Carabta & Wadaadka baxsadka ah ee u dhashay dalka Turkiga Faithulah Gullen ku taageereen sidii meesha looga saari lahaa dawladda taageeradda ka hesha Madaxweynaha Turkiga Rejeb Dayib Ordagan ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.


CCC Sharmaake ayaa wadiiqo kasta u maray sidii loo soo gaba-gabeyn lahaa 4 sanno iyo dheeraad ay Xasan Sheekh iyo xertiisu u maamulayeen Soomaaliya, isagoo dadaalkiisa oo dhan iskugu geeyey sidii loo abuuri lahaa jawi Isbedel ku imaan karro.


Mudane Sharmaake wuxuu hadda wajahayaa isna mid kamid ah cadaadisyadii ugu xooga badnaa oo uga imaan doona Musharaxyada Isbedel doonka ah oo hadda car-cartooda qaba, iskuna dayay in ay saameyn ku yeeshaa baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.


Shacabka Puntland Online.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...