XOG RASMI AH: RW CCC Sharmaake, Shariif Sh Axmed iyo Shariif Sh Aadan oo ka guuleystay M/weyne Xasan Sh Mohamud, Wax badan Agoow?.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in raga ku guuleystay Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ay dhamaantood ahaayeen musharaxiin ka soo horjeeda qorshaha Qabya Tirka Howlaha Qaran ee Soomaaliya, waxaana si wadajir ah u abaabulay musharaxiinta kala duwan oo ay kamid yihiin Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan waxayna si wadajir u wateen Mahad Cabdalla Cawad iyo Cabdiweli Sh Ibraahin Muudeey oo soo baxay.


Tanni waxay uga dhigan tahay Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud jab xoog leh oo gaaray, maadaama la ogaaday xildhibaanada uu haysto, kuna gali doono tartanka Madaxtinimada ee Soomaaliya.


RW CCC Sharmaake ayaa kaartooyin cusub oo siyaasadeed u ciyaaray kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana muuqanaysa in la dheelayo wadiiqo kasta oo lagu gali karro hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.


In ay Is sharaxaan Siciid Xuseen Ciid oo ay qaraabo yihiin CC Sharmaake iyo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa la rumeysan yahay in ay ahayd siyaasad uu ciyaarayey Mr, Sharmaake, si uu culeys siyaasadeed u saaro kooxda DAMU JADIID ee ay iska soo horjeedaan.


Lama garan karro hadda xaajada Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, waxaana meel adag isku shareertay Saadaalinta Doorashada oo hadda ka gudubtay wadiiqo kasta oo horrey loo saadalinayey.


Shacabka Puntland Online.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muqdisho: Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.
- Jan 20, 2017
Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si ...
Galdogob: Wajiga Koowaad ee Maxkamadaynta Dhalinyaradii Kufsiga Gaystay oo Maanta dhacday.!!!
- Jan 20, 2017
Maanta oo Jimce Ah waxaa Go'aamo soo saartay Culimada u xilsaaran Maxkamadaynta Dambiilayaal Dhawaan ...
Maxay Itoobiya oogasoo Hor jeedsatay Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid inuu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya?.
- Jan 20, 2017
Warbixinta ay Itoobiya dhawaan qortay waxaa ka muuqda diidmo cad oo Itoobiya ku diidantahay ...
Daawo Arin Naxdin leh: Magaalada Muqdisho Xoolo is-cunay kadib markii loo diiday Cunto iyo Biyo (Video).
- Jan 20, 2017
Wararka aan ka helay Magaalada Muqdisho ee caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ...
Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliy oo Heshiis Laga Gaaray.
- Jan 20, 2017
Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii ...
Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo sheegtay inuu kor u kacay dakhliga sanadkan ee Dawlada Jubbaland.
- Jan 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha ...
DHAGEYSO: Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare
- Jan 20, 2017
Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka ...