Cabdi Warsame oo mar kale u sharraxan guddoomiyaha degmada 6 -aad ee Minneapolis.

Guddoomiyaha degmada 6 -aad ee magaalada Minneapolis ee dalka Marekanka, Cabdi Warsame ayaa ku celiyay mar kale inuu xilka u sharraxan-yahay, sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay.

“Dadka waxaan rabnaa inay nagu soo doortan wixii aan u qabanay muddada saddexda sanno ahayd,” ayuu yiri Warsame oo marka shaaciyay in uu dib ugu tartamaayo kursiga dagmada 6 -aad .

Wuxuu sheegay inay waxbadan iska badaleen nolashada dadka danyarta ah ee dagmada 6 -aad, xilligana uu doonayo in mar kale kor loo qaado mashaaricda muuqda ee ka socda degmada.

Wax-yaabaha uu soo hadal-qaaday guddoomiyaha ee aan horay degmada ugu jirin wuxuu ku sheegay sidoo kale inay badaleen xeer muhiim u ah Soomaalida degan guryaha Public Housingka loo yaqaan. Xeerkaan ayaa kirada ka cafinaayo dadka deggan guryahaasi bilaha ay u safaraan dalka dibadiisa.

Malaayin doollar ayuu sheegay in lugu bixiyay muddada uu xilka hayay saru u qaadida nolashada dadka danyarta ah.

Tallaabada uu mar kale isku soo sharraxay, Cabdi Warse ayaa loo arka inay dareen wanagsan u tahay bulshada Soomaalida ee ku nool Minneapolis oo si wanagsan usoo muqday mudada uu xilka ka yahay degmada 6-aad.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...