Guddoomiye Jawaari oo Seeftiisa Galka kala soo baxay Go’aano deg deg ahna soo saaray Akhriso…

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ahna sii haya xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa cadeeyay inuu waqtigeedii dhamaaday madasha hogaamiyayasha Soomaaliya, taasoo afartii bilood ee ugu dambeysay la wareegtay jaangoynta go’aamada siyaasadeed iyo arrimaha doorashooyinka.

Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale cadeeyay inuusan ka qeyb galin kulan qadka taleefonka oo ay madasha yeelatay, kaasoo loogasoo horjeeday go’aankii barlamaanka Galmudug uu xilka kaga qaaday madaxweyen Guuleed.

Iyadoo Habeen ka hor la sheegay in Madaxda Madasha ay kulan ku yeesheen qadka taleefoonka islamarkaana la sheegayin inuu jawaari ka qayb qaatay kaas oo ah Guddoomiyahay Baarlamaanka,

Jawaari ayaa xaqiijiyay in uusan ka qeyb gelin kulankaas oo looga hadlayay xaalada siyaasada Galmudug,

Guddoomiye Jawaari waxaa uu sheegay in ay dhamaadeen howlihii  ay qaban jireen Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran islamarkaana inta hartay ay dhameystirayaan Xildhibanaada Golaha shacabka.

Hadalkan ayuu jawaari soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uuna sheegay in Madasha ay ku guuleysteen in ay howlo badan  qabtaan inta aan lasoo dooran xildhibaanada Golaha Shacabka, balse waxa uu sheegay in haatan howlaha dhiman ay qaban doonaan Xildhibaanada.

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...