Madaxweynaha Koonfurgalbeed oo lugu eedeyay inuu ka gaabiyay wax u qabashada dadka Abaaraysan.

Wasiirka amniga maamulka Koonfurgalbeed, Cabdifitaax Ibraahin Geesey ayaa ku dhaliilay madaxweynaha maamulka inuu ka gaabiyay wax u qabashada bulshada Koonfurgalbeed, sida uu u sheegay warbaahinta gudaha.

Wuxuu sheegay gobolka inay ka taagan-yahay abaar adag oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana jira sida uu sheegay dad badan oo gaajo ugu dhintay qaybo ka mid ah gobollada uu maamulka ka taliyo.

Wasiirka ayaa sheegay, madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed inuu iska indha-tiray dhibaatada heysata bulshada uu hoggaamiyo, isagoo marka usoo jeediyay baarlamaanka maamulka inay la-xisaabtamaan madaxweynaha.

“Dhibaato ayaa ka jirta dalka, madaxweynaha isaga wuu ka gaabiyay inuu wax u qabto dadka dhibaateysan, baarlaaanka ayaana laga doonaya inay la-xisaabtamaan,” ayuu yiri Cabdifitaax Geesey.

Wasiirka amniga ayaa ku dhaliilaya madaxweynaha Koonfurgalbeed wax-qabad la’i iyadoo dhawaan wasiir maamulka ka tirsan uu sheegay inaysan jirin xukuumad shaqeysa oo ka jirta Koonfurgalbeed.

 

Nagala Soo Xiriir Shacabkapuntland@gmail.com

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maxamed Carte iyo Safiirka Britian oo kawada hadley Shirka Soomaaliya 2017 ee London.
- Feb 20, 2017
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay ...
Dhagayso: Agaasimaha Xanaanada Xoolaha Puntand oo difaacay kiiska Daawada dhacdey.
- Feb 20, 2017
Maalintii Axadda warbaahinta Shacabka  ayaa daabacdey kiis la xiriira ol-olihii u danbeeyey ee lagu ...
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – (VIDEO).
- Feb 20, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku ...
Madxweyne Farmaajo oo Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay Soo Sheega Waxaan Siineynnaa Boqol Kun oo Dollar.
- Feb 19, 2017
Madxweyne Farmaajo Ayaa Caawa Mar kale Ku Celiyay, Ballanqaadkiisi Ahaa Qofki Gaari Qarax Saaranyahay ...
Norway oo 7 Million Dollar ugu deeqday Abaaraha Somalia.
- Feb 19, 2017
Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ay ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu ...
General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay.
- Feb 19, 2017
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo ...
Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda (SAWIRRO).
- Feb 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha ...